28 Nin oo Faransiiska u dagaalamay ayaa dhalasho la siiyey

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption President Francois Hollande (dhexda) oo salaamaya mid ka mid ah Halyeeyada

Iyagoo xabadkooda ku dheggan, askartaas soo dagaallantay waxay waraaqahooda ku guddoomeen hoolka Qasriga weyn ee madaxtooyada ee loo yaqaan Elysee Palace oo midabkiisu yahay casaan iyo dahabi isku jira.

Mr Hollande waxaa uu sheegay in ciidankani ay qayb ka ahaayeen taariikhda Faransiiska. Waxaa uu sheegay in Faransiisku uu dadkaas u hayo abaal ah inay dhiiggooda ugu deeqeen. askarta soo dagaallantay waxay soo mareen nolol dhibaato badan. Ilaa laga soo gaaray 2010-kii, waxay qaadan jireen lacag yar oo hawl gab ah oo dadka caadiga ah ee Faransiiska ka hooseysa.

Maqaamkooda aan sugnayn waxaa uu macnihiisu ahaa inaysan heli karin daryeelka kale ee muwaadiniinta Faransiisku xaqa u leeyihiin, taasina waxay ku adkaysay inay soo booqdaan eheladooda ku nool qaaradda Afrika.

Gabar uu awoowee u yahay nin reer Senegal oo isagu ka mid ah dadka soo dagaallamay oo la yiraa Caa'ishatou Sheekh, oo duq magaalo ku-xigeen ka ah duleedka magaalada paris, ayaa u ololeynaysay xuquuqda dadka soo dagaallamay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Badi Halyeeyada waxay ka qayb qaateen dagaaladii Faransiiska uu ka galay Aljeeriya iyo Aasiya

sanadkii la soo dhaafay, waxay bilawday inay dadweynaha Faransiiska u jeediso codsi ay saxiixeen tobannaan kun oo qof muddo toddobaad ka yar. Weli dhibaato ayaa ka taagan sinnaan la'aanta haysata Afrikaanka soo dagaallamay.

Sanadkii 1944-kii, daraasiin reer galbeedka Afrika ah ayaa waxaa waxaa toogasho ku dilay ciidammo Faransiis ah mar gadood ka sameeyeen sinnaan la'aan xagga mushaharka iyo hawl gabka ah, waqtigaas oo intoodii badnayd ay dhinteen.Dhowr sano ka hor, Mr Hollande waxaa uu qiray in askartii Faransiisku ay dileen dhiggoodii Afrikaanka ahaa. Laakiin dadka soo dagaallamay waxay dalbanayaan in raalli gelin buuxda la siiyo.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Halyeeyada ayaa xirnaa bilaado ku tolnaa koorarkooda