Maxay isku hayaan xukuumadaha Washington iyo Pyongyang?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay isku hayaan xukuumadaha Washington iyo Pyongyang?

Dowlada Kuuriyada koonfureed ayaa sheegtay in kuuriyada waqooyi ay isku dayday in ay gantaal ku tijaabiso bariga xeebaha dalkeeda taas oo ay rumesantahay in uu guul dareystay.

Tallaabadan ayaa timid maalin un kaddib markii xukuumada Pyongyang ay sheegtay in ay ka jawaabi doonto dandaansi kasta oo kaga yimaada Mareykanka.

Dowlada Kuuriyada waqooyi ayaa horay u tijaabisay dhowr gantaal, Waxayna arrintaasi ka careysiisay dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada koonfureed.

Haddaba xiisadan ka dhex aloosan dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada waqooyi ayaan ka wareysanay Dr. Sacad Sheekh Cusmaan oo ah khabiir ka faalooda arrimaha caalamka, kuna sugan dalka Mareykanka, wuxuuna u waramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.