Nin Facebook toos uga baahiyay isagoo qof dilayo oo la raadinayo

Image caption Booliska Cleveland

Booliiska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa ku daba jira nin ay ku sheegen in uu si toos ah bartiisa facebook ka baahiyay dil uu geystay.

Saraakiisha magaalada Cleveland ee Mareykanka ayaa sheegay in Steve Stephens uu baraha bulshada si toos ah ugu baahiyay dilka nin da'a ah.

Madaxa booliiska ee Cleveland Calvin Williams ayaa ku booriyay Stephens in uu isa soo dhiibo.

Balse booliiska ayaa sheegaya in wax cadeyn ah aysan u helin hadalka uu ku sheegay Steven muuqaalka gudihiisa ee ah in uu dilay in ka badan 12 qof.