Shuban biyood ka jira dhulka Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqolaal qofa ayaa cudurka shuban biyoodkku ku soo ritay dhulka Soomaalida

Todobaadyadii la soo dhaafay, ayaa boqolaal qof cudurka shuban biyoodku ku soo ritay Somaliland iyo koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa loo aanaynayaa abaarta daba dheeraatay ee ku dhufatay gobolka Geeska Afrika, iyadoo inta badan dadka cudurkani soo ritay ay ku nool yihiin deegaanada ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Dhakhaatiirka caafimaadka ayaa ku talabixiyay in sida ugu wanaagsan ee cudurkan looga hortegi karaa tahay in dadku ay iska karkariyaan biyaha ay cabayaan.

Haddaba maxaa sababa cudurkan? Sideese looga hortegi karaa? Su'aalahaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay Dr Axmed Xaashi Faarax oo Hargeysa deggan oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.