Itoobiya oo xirtay '98 ruux oo Eritrea ka soo tallaabay'

Khariidadda Itoobiya

Warbaahinta hoos tagta dawladda Itoobiya ee Fana ayaa ku warramaysa in xukuumaddu ay xirtay 98 ruux oo lagu tilmaamay "shabakado ammaanka ka dhan ah" oo doonayay in ay ka soo galaan dhanka Eritrea.

Xirxiritaanka dadkaas ayaa dhacay labadii billood ee u dambeeyay.

Warbaahintan oo magaceeda loo soo gaabiyo FBC ayaa sheegtay in dadka la qabqabtay ay ka tirsan yihiin Ginbot 7 oo fadhigoodu yahay Eritrea iyo Jabhadda Xoraynta Oromada ee magaceeda loo soo gaabiyo OLF oo "ururro argagixiso ah".

Waxay soo xigatay masuuliyiin dawladda ka tirsan oo sheegaya in 15ka ruux ee todobaadkan la xiray ay qorshaynayeen in ay weerar ku qaadaan ilaha dhaqaalaha ee dalka Itoobiya.

Dawladda Itoobiya waxaa hadda ka jira xaalad degdeg ah iyadoo ay dawladdu isku dayayso in ay wax ka qabato mudaaharaadyada, oo ay ka mid yihiin kuwa gobolka Oromada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan