Israa’iil oo weerar khasaare dhaliyay ka fulisay Suuriya

Ciidanka Israa'iil
Image caption Israa'iil ayaa horay loogu eedeeyay in ay duqeymo ka geysatay gudaha Suuriya

Weerar ay Israa'iil ku qaaday saldhig milateri oo ku yaalla gudaha Suuriya una dhaw buuraha Golan Heights, ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen saddex dagaalyahan oo taabacsan xukuumadda Bashar al-Assad, ayadoo ay ku dhaawacmeen laba kale.

Milateriga Israa'iil ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo weerarkaasi, balse Jimcihii ayuu sheegay in uu beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Suuriya, ka dib markii madaafiic lagu soo riday buuraha Golan dhanka ay Israa'iil ka haysato.

Wargeys kasoo baxa Lubnaan ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada xuduudda u dhaw ee Quneitra, dadka ku waxyeeloobayna ay ahaayeen askar.

Israa'iil ayaa waxaa dhawaanahan ku dhacayay madaafiic habow ah oo ay is dhaafsanayaan dhinacyada isku haya Suuriya, gaar ahaan deegaanka u dhaw xuduudda, ayadoo duqeyn ugu jawaabto madaafiicdaasi.