Morooko oo ku eedaysay Algeria in ay qoxooti Suuriyaan ah dalkeeda galisay

Khariidad muujinaysa xadka u dhexeeya labada dal
Image caption Khariidad muujinaysa xadka u dhexeeya labada dal

Xukuumadda Morooko ayaa u yeedhay danjiraha Algeria u fadhiya dalkeeda si ay ugu sheegto shaki ay ka qabto in dalka Algeria u "ogolaaday 54 qof oo Suuriyaan ahi in ay si sharci darro ah ku galaan Morooko." Sidaana waxa tibaaxay warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Morooko.

Wasaaradda arimaha dibaddu waxay intaa ku dartay in " dadkaa Suuriyaan ka ahi isku dayeen in ay Morooko galaan intii u dhaxaysay 17 ilaa 19 bishan Abriil oo ay ka gudbaan magaalada Fakiik ee ku taal xadka buuraleyda ah ee labada dal u dhexeeya".

Morooko waxay ku eedaysay Algeria in ay ku qasabtay dadkaa Suuriyaanka ah in ay galaan Morooko. Hase ahaatee war rasmi ahi kama soo bixin Algeria oo ku saabsan eedayntaa ay Morooko u soo jeedisay.

Dalka Morooko waxa jooga qiyaastii shan kun oo qaxooti Suuriyaan ah oo sifo sharci ah dalka ku galay una diiwaan gashan waaxda socdaalka ee dalkaas.

Morooko iyo Algeria waxay u dhaxaysa soohdin dhererkeedu dhan yahay 1500 Km oo ka bilaabanta badda Mediterranean-ka ilaa saxaraha hoose, waxaanay xidhnayd ilaa sannadkii 1994-kii.