Qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha oo Somaliland ka bilaabmaysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha oo Somaliland ka bilaabmaysa

Magaalada Hargeysa, gudiga doorashooyinka iyo saddexda xisbi siyaasadeed ee ka jira Somaliland ayaa kala saxeexday xeerka hab-dhaqanka qaybinta kaadhadhka codbixiyaasha doorashada, iyadoo qaybinta kaadhadhku ka bilaabmi doonto labada gobol ee Awdal iyo Saaxil iyo deegaanada xeebta ee gobolka sanaag 29 bishan April 2017.

Gobol walba qaybinta kaadhadhka codbixiyaashu waxay ka soconeysaa saddex todobaad oo qof waliba uu tegaayo goobtii uu markii hore iska diiwaangeliyay.

Doorashada madaxtooyada Somaliland oo laba jeer dib u dhacday ayaa haatan loo qorsheeyay in ay dhacdo 13 bisha November 2017.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay arimahaasi gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan