Soomaaliya oo dalbatay in daynta laga cafiyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo dalbatay in daynta laga cafiyo

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Washington waxa ay kaga qeybgaleen shirweyne sanadkiiba laba mar la qabto oo ay soo qabanqaabiyaan Bankiga aduunka iyo sanduuqa lacagta aduunka.

Shirweynaha ayaa waxaa lagaga hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay oo ka badan shan bilyan oo doolar.

Dowlada Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay wax ka bedesho hanaakeeda dhaqaalaha. Hadaba waxaan ka wareysanay arintaan wasiirka maaliyada Cabdirahman Ducaale Bayle oo u waramay Weriyaha BBC-da Maxamed Cabdirahman Sheekh.