Amnesty International oo cambaareysay dacwada ka dhanka ah hogaamiyaha mucaaradka ee Zambia

Hogaamiyaha mucaaradaka ee Zambia Hakainde Hichilema Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha mucaaradaka ee Zambia Hakainde Hichilema

Hay'adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa codkeeda ku biirisay oo ka hortimid dacwada lagu soo oogay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Zambia. Hay'adu waxay cambaaraysay dacwadaha lagu soo oogay xubnaha xisbiga UPND ka dib doorashooyinkii lagu murmay ee sanadkii hore dhacay.

Mr Hichilema ayaa la xiray ka dib markii la sheegay inuu wadada ka xiray kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxweynaha dalkaasi. Dacwadan lagu soo xiray hogaamiyaha mucaaradka ayaa lagu eedeeyey qaa'inul wadan dambiile ah isaga iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale dacwadahan ka dhanka ah mucaaradka loo arkaa mid lagu aamusiinayo xubnaha mucaardka codkooda.

Waxaana amuurahani oo dhan ay dhacayaan kaddib doorashooyinkii lagu murmay ee sanadkii hore. Iyadoo dalkaasi uu ahaa mid xaaladiisu ay deganayd mudo dheer.