Trump: Pyongyang ma aanay xushmayn Shiinaha

Kuuriyada Waqooyi Lahaanshaha sawirka POOL/GETTY
Image caption Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku eedeeyay Kuuriyada Waqooyi in ay xushmad darro u muujisay Shiinaha oo ah saaxiibka ugu weyn ee ay leedahay, ka dib markii ay gantaalkii saddexaad tijaabisay muddo bil gudaheed ah.

Mr Trump oo dhawaan Aqalka Cad ku marti-qaaday madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku amaanay "sida uu ugu dadaalayo" wax ka qabashada xiisadda Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa ku tilmaamay tijaabadan ugu dambeysay mid lagu guuldaraystay, waxaana ay sheegeen in gantaalka uu qarxay waxyar ka dib markii la riday.

Tijaabada ayaa kusoo beegantay saacado ka dib markii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka arrinsaday barnaamijka gantaallada Kuuriyada Waqooyi.

Jimcihii ayaa xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, waxa uu Golaha Ammaanka uga digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii aanu caalamka wax ka qaban barnaamijka gantaallada iyo nukliyeerka ee xukuumadda Pyongyang.

Kuuriyada waqooyi oo ku guuldareysatay tijaabo gantaal

Kuuriyada waqooyi oo ku hanjabtay inay sii wadeyso tijaabada gantaalada

Wasiirka arrimaha dibedda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa ku baaqay in wadahadal cusub laga yeesho arrinta Kuuriyada Waqooyi, halka wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Ruushka, Gennady Gatilov, uu sheegay in aan la aqbali karin tallaabo milateri oo ka dhan ah dalkaasi ku hubaysan nukliyeerka.