Shiinaha oo tarxiilay haweeney “basaas” ahayd

Sandy Phan-Gillis Lahaanshaha sawirka SAVESANDY.ORG
Image caption Sandy Phan-Gillis (dhexda) ayaa lagu eedeeyay in ay Maraykanka u basaastay sanadkii 1996

Haweeney ganacsato Maraykan ah oo uu Shiinaha ku helay in ay jaajuus ahayd, ayaa hadda gaartay dalka Maraykanka, ka dib markii ay maxkamadi amartay in la tarxiilo.

Sandy Phan-Gillis ayaa Talaadadii lagu xukumay saddex sano iyo bar xabsi ah, balse waa la sii daayay maadaama ay in ka badan laba sano xirnayd ka hor inta aan dacwad lagu soo oogin.

Phan-Gillis, oo asal ahaan kasoo jeeda Shiinaha balse ku dhalatay Vietnam, ayaa la qabtay bishii Maarso ee 2015, xilli ay la socotay koox ganacsato ah oo ka safray gobolka Texas ee Maraykanka.

Seygeeda oo lagu magacaabo, Jeff Gillis, ayaa sheegay in Shiinaha uu haweeneydaasi ku eedeeyay in howlgal basaasnimo ah ay dalkaasi laba goor ka fulisay sanadkii 1996, iyo in ay FBI-da ka caawisay qabashada laba basaas oo Shiinays ah, kuna sugnaa Maraykanka.

Mr Gillis oo beeniyay eedeymahaasi, ayaa sheegay in baasaboorka xaaskiisa uu muujinayo in aanay Shiinaha u safrin sanadkii 1996.

Dib ugu celinta Maraykanka ee haweeneydan 57 jirka ah, ayaa meesha ka saaraysa xiisad ka dhex aloosneyd xukuumadaha Washingtin iyi Beijing, waxaana ay muujinaysaa xiriirka soo hagaayada ee labada dal.

Waxaa lagu soo warramayaa in xoghaya arrimaha dibedda Maraykanka, Rex Tillerson, uu gacan weyn ka geystay siideynta Sandy Phan-Gillis, markii uu Shiinaha booqday bishii lasoo dhaafay.