Agaasimahii Gem TV oo wararka ku baahiya af-beershiyaanka Iran oo lagu dilay Istanbul

Sawirka ninka la dilay Lahaanshaha sawirka SAEED KARIMIAN
Image caption Sawirka ninka la dilay

Gudoomiyihii Telefishanka Gem TV oo wararka ku baahiyada af-beerishiyaanka (Persian) ee lagaga hadlo Iran isla markaana ahaa gudoomiyaha shirkadda TV-ga maamusha ayaa lagu dilay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Saciid Karimian waxa lagu toogtay xaafadda Maslak isaga iyo nin ay shuraako ganacsi ahaayeen oo isna u dhashay dalka Kuwait oo ay markaa wada socdeen. Labada nin ba goobtii aya ku dhinteen.

Baabuur loo malaynayo in uu yahay kii ay wateen dableydii nimkaa dishay ayaa mar dambe la helay isago la gubay, booliska Turkiga ayaana haatan baadhaya.

Karimian ayaa hore maxkamad Tehran ku taallaa xukun ugu ridday isagoo dalka ka maqan waxa ayna ku xukuntay lix sanadood oo xadhig ah, eedda loo haystayna waxa ay ahayd in uu baahiyo borobagaando lid ku ah Iran.

Gem TV wuxu af-beershiyaan u turjumaa barnaamijyo shisheeye iyo kuwa reer galbeedka oo uu u baahiyo dadka reer Iran.

Sida ay tibaaxayso warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay Shirkadda Gem ee Telefishankaas maamushaa, waxa markii hore laga aasaasay London laakiin mar dambe ayey shirkaddu xafiisyo ka furatay magaalada Dubai. Waxa aanay leedahay 17 channel oo ku baxa af-beershiyaanka, iyo saddex kale oo ku kala hadla Af-Kurdi, Azeri iyo Carabi.