Raxan maraakiibta dagaalka Shiinaha oo gaadhay dalka Philippines

Markab ka mid ah kuwa diyaaradaha xambaara ee Shiinaha Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Markab ka mid ah kuwa diyaaradaha xambaara ee Shiinaha

Raxan maraakiibta dagaalka Shiinaha ah ayaa gaadhay dalka Philippine markii ugu horraysay muddo todoba sanadood ah, iyadoo dalka Philippine damacsanyahay inu uu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay Shiinaha.

Raxantan maraakiibta ah oo ka kooban markab weyn oo kuwa saanadda qaada ah, kuwa wax duqeeya iyo saxiimadaha dheereeya, ayaa ku xidhay deked ku taal magaalada koonfureed ee Davao.

Imaanshaha raxantan maraakiibta ahi waxay daba socotaa gabagabadii shirka dalalka koonfur bari Aasiya oo ay Philippines marti galinaysay oo war murtiyeedkii ka soo baxay uu ka mid ahaa in aan waxba laga soo qaadin eedaha loo soo jeediyo Beijing ee ku saabsan hawlaha Shiinuhu ka wado badda South China Sea.

Ka hor intii aanu hogaanka dalka Philippines qaban madaxweyne Duterte, Manila waxay aad u dhaliili jirtay hawl gallada Shiinuhu ka wado baddaas iyada ah.