Ciraaq: Dad ay adoonsi u haysteen kooxda Dawladda Islaamka oo la sii daayey

Macbad ka mid ah kuwa Yazidi-ga Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Macbad ka mid ah kuwa Yazidi-ga

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix iyo soddon qof oo ka mid ah dadka laga tirada badan yahay ee haysta diinta Yazidi oo gacanta ugu jiray kooxda la baxday Dawladda Islaamka la sii daayey.

Waxa la geeyey xeryo Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Dohuk oo ku taal gobolka Kurdiyiinta ee woqooyiga Ciraaq.

Ilaa haatan ma cadda in ay soo baxsadeen iyo in la soo furtay toona, Qaramada Midoobayna way ka gaabsatay in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiso maadaama oo arintaasi qacabad ku noqon karto in qaar kale oo dadkaa ka mid ah la sii daayo mustaqbalka dhaw.

Kooxda la baxday Dawladda Islaamku waxay laysay dad badan oo Yazidi ah kumanaan kalena adoonsi ayay u qabsadeen markii ay gacanta ku dhigeen dhul ballaadhan oo ku yaal woqooyiga Ciraaq.

Lix iyo soddonkan qof ee Yazidiga ah ee soo badbaaday waxay isugu jiraan rag, dumar iyo caruur adoonsi loo haystay, sidaana waxa sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku duwidda deeqaha.

Waxay gaadheen laba habeen ka hor magaalada Dohuk halkaas oo hoy laga siiyey xertyo ay ka dhistay hay'adda Qaramada Midoobay ee UNFP.

Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastay in 1500 oo dumar iyo gabdho yar yara ahi ay weli gacanta ugu jiraan kooxda Dawladda Islaamka la baxday oo ay ku hayaan faraxumayn iyo kufsi joogto ah.