Qaybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha oo si habsami ah uga socota Somaliland

Kaarka codbixiyeyaasha Somaliland
Image caption Kaarka codbixiyeyaasha Somaliland

Maalintii labaad ayaa dadweynaha gobollada Saaxil ee Berbera iyo Awdal iyo deegaanada xeebta gobolka Sanaag ay safaf ugu jiraan qaadashada kaadhadhka codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee Somaliland ka dhici doonta 13 Noofember 2017.

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, oo isha ku hayey sida hawshaasi u socoto ayaa ku soo waramaya in hogaamiyayaasha saddexda xisbi ee ka jira Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ee tartanku ka dhexeeyo ay ku wareegayaan goobaha kala durugsan ee laga qaadanaayo kaadhka.

Waxaanay dadweynaha ku dhiirrigelinayaan qaadashada kaadhka oo la'aantii aan qofna codeyn kareyn maalinta doorashada. Dadweynaha ayaa soo badanaya marba marka ka danbeysa inkastoo ay jiraan dad uga hayaamay deegaanadoodii abaarta awgeed.

Qof waliba waa inuu tagaa goobtii uu hore isaga diiwaangeliyay kadibna uu tusaa shaqaalaha gudiga doorashada shahaadadii uu isku diiwaangeliyay oo dabadeed loogu bedelaayo kaadh adag oo ka samaysan caag.

Gobolka Saaxil waxay qaybinta kaadhadhku ka socotaa 94 goobood guud ahaan, gobolka Awdal na waa 162 goobood , iyo 13 goobood oo ah deegaanada xeebta ee gobolka Sanaag.