Soomaalida oo ka cabaneysa hoos u dhaca ku yimid kalluunka harada Victoria
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida oo ka cabaneysa hoos u dhaca ku yimid kalluunka harada Victoria

Waxaa uu hoos u dhac ba'an ku yimid kalluunka laga soo saaro harada Victori oo ku taalo xadka dalalka Kenya iyo Uganda.

Ganacsato isugu jira Soomaali iyo kuwa kale ayaa halkaasi ka kalumeysta, waxaana ganacsatada Soomaalida ay sheegen ka ganacsiga kallunka ay marki hore ka heli jireen dhaqaale wanaagsan oo gaaraya boqolaal kun oo dolarka Mareykanka , balse haatan ay aad u yartahay dhaqaalaha laga helo sababo la xiriiro kallunkii oo yaraaday.

Haddabo harada Victoria ee galbeedka wadanka Kenya waxaa booqday weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato oo warbixintani inooga soo soodiray.