Tirada dadka uu soo ritay xanuunka jadeecada ee Minesota oo korodhay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tirada dadka uu soo ritay xanuunka jadeecada ee Minesota oo korodhay

Waxaa kor u sii kacaya tirada caruurta soomaaliyeed ee laga helayo xanuunka jadeecada ee ku nool gobolka Minnesota.

Caruurtan xanuunku lagu arkay ayaa ah kuwo aan ka talaalayn xanuunkaasi, iyada oo waalidin badani ay ka shaki qabaan in talaalku uu keeno xanuunka Autism-ka ama dhaan dhaanimada.

Hasa ahaatee saraakiisha caafimaadka ee gobolkaasi ayaa ku boorinaya walidiinta in ay talaalaan caruurtooda , aysan jirin na wax cadayn ah oo loo hayo in talaalku uu keeno xanunkaasi.

Cabdirisaaq Biixi waxa uu u ololeeyaa arimaha bulshada Soomaalida ku nool gobolkaasi, wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xusseen Shiine ayaa waraystay waxa uuna waydiiyay halka uu marayo xanuunkaasi.