Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

Hanti Dhowraha Guud ee dalka, Dr Nuur Faarax Jimcaale,
Image caption Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, oo xilka laga qaaday

Shir ay caawa magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa xilka looga qaaday Hanti Dhowraha Guud ee dalka, Dr Nuur Faarax Jimcaale, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray goluhu.

Arrintan ayaa daba socotay dilkii habeenkii Arbacada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya, marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, kaas oo la sheegay inay dileen ilaalada Hanti Dhowraha Guud.

Bayaanka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay BBC-da ayaa waxaa lagu sheegay in ay "si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud."

Waxaa la xiray ilaaladii Dr Nuur Faarax ee lagu eedeeyay in ay dileen wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska, sidoo kalana waxaa soconaya baaritaan ay ciidammada boolisku wadaan.