Rag “weerarri rabay ciyaarihii Rio” oo la xukamay

Olimbikadii Rio Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Laamaha ammaanka Brazil ayaa isu diyaariyay weerarro ka dhici karay ciyaarihii Rio

Xaakim Brazil ah oo heer federal ah ayaa xukun ku ridday 8 nin oo loo haysto in ay maleegayeen weerarro ka dhan ahaa ciyaarihii olimbikada ee ka dhacay magaalada Rio de Janeiro, iyo in ay internetka ku faafinayeen afkaarta ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Raggan ayaa la xiray bishii August 2016, waxyar ka hor inta aanay furmin ciyaarahaasi, ka dib markii ay FBI-da Maraykanka la socodsiisay dowladda Brazil.

Dhammaantood waxa ay u dhaceen Brazil. Hogaamiyahooda oo lagu magacaabo Leonid El Kadre de Melo, ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Ragga kale ayaa lagu xukumay xabsi u dhexeeya 5 ilaa 6 sano.

Waa ay diideen dacwadaha loo haysto, waxaana la filayaa in ay racfaan ka qaataan xukunka.