Faransiiska: Gudida doorashooyinka oo ka arrinsanaya eedo soo baxay

Macron oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada Faransiiska Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Macron oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada Faransiiska

Gudida doorashooyinka Faransiiska ayaa kulan deg deg ah yeelanaya maanta ka si ay uga arinsadaan eedo uu sheegay xafiiska ololaha musharaxa Emmanuel Macron, taas oo ah in e-mail lada xafiiska la jabsaday.

Qoraallo la sheegay in ay yihiin kuwo laga helay e-mail-kaa la jabsaday ayaa lagu faafiyey saacado uun ka saqbadhkii habeenimadii Jimcaha ee ololaha la soo af-jarayey baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka.

Gudida doorashooyinku wuxuu digniin u diray warfidiyeenka oo ay uga digeen in hadii qoraallada noocaas ah ay faafiyaan ay mudan karaan ciqaab oo lagu qaadi doono in ay jabiyeen sharciga doorashooyinka Faransiiska.

Kaaliyeyeyaasha Macron ayaa sheegay in jabsashada e-maillada xafiiska ololahooda looga gollahaa in lagu wiiqo dimuqraadiyadda Faransiiska.

Shabakadda siraha faafisa ee WikiLeaks ayaa iyaduna baahisay qoraaladaa laga soo jabsaday e-mail ka xafiiska oloaha Macron waxaanay sheegay in ay iyadu jabsatay.