Madaxweynaha Nigeria oo loo qaadayo London

Muhammadu Buhari Lahaanshaha sawirka NIGERIA PRESIDENCY
Image caption Madaxweynaha Nigeria ayaa safar caafimaad horay ugu tegay London

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa loo duulinayaa magaalada London si baaritaan caafimaad loogu soo sameeyo, ka dib markii uu xanuunsanayay todobaadyadii dambe.

Waxa uu ka qeybgali waayay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee golaha wasiiradda Nigeria, ayadoo kaaliyayaashiisa ay sheegayeen in uu kasoo kabanayo xanuun aanay magacaabin.

Madaxweyne Buhari ayaa bishii Maarso kasoo laabtay dalka Britain oo uu safar caafimaad ku joogay muddo laba bilood ah.

Ka hor inta aanu u duulin London, ayaa madaxweynaha shalay waxa uu qasriga madaxtooyada ee Abuja kula kulmay in ka badan 80 gabdha iskuulay ah oo ay soo daysay Boko Xaraam.

Gabdhahaasi ayaa ka mid ahaa in ka badan 270 hablood oo ay dagaalyahannada Boko Xaraam ka qafaasheen magaalada Chibok saddex sano ka hor.