Hoogamiyaha IS ee Afghanistan oo la dilay

Daacushta Afghanistan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Afghanistan

Ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee Afghanistan la dilay.

Abdel Hasib ayaa toban maalmood ka hor lagu dilay weerar ay bariga dalkaasi ka fuliyeen ciidamada Afghanistan iyo kuwa Maraykanka.

Laba askari oo Maraykan ah ayaa sidoo kale ku dhintay weerarkaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Mr Hasib ayaa la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay weerarkii bishii March lagu qaaday cisbitaalka ugu weyn milateriga Afghanistan ee ku yaalla Kabul, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof.

Ninkii jagada uga horeeyay ayaa waxa uu ku dhintay weerar ay sanadkii lasoo dhaafay fuliyeen diyaaradaha drones-ka Maraykanka.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pengaton-ka ayaa sheegtay in ay damacsan tahay sidii dhammaadka sanadkan ay Afghanistan uga baabi'in lahayd ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Bishii lasoo dhaafay ayaa milateriga Maraykanku waxa uu gobolka Nangarhar ee uu ku xooggan yahay ururkaasi, uu ku riday bamka loo bixiyay "hooyada bambooyinka oo dhan" kaasoo uu ku bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalyahannada ururkaasi.

Ururka dowladda Islaamiga ayaa sanadkii 2015 shaaciyay in uu howlgal ka billaabay dalalka Afghanistan iyo Pakistan oo uu ugu yeeray magaca Khuraasaan, tan iyo markaana waxa uu geystay weerarro khasaaro ba'an reebay.

Bishii July 2016, ayaa weerar ismiidaamin ah oo uu ururkaasi ku qaaday dibed bax ka dhacayay Kabul waxaa ku dhintay ku dhawaad 80 ruux.

Bishii November-na weerar uu la beegsaday masaajid ku yaalla isla caasimadaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof.

Ururkaasi ayaa bishii February sheegtay mas'uuliyadda qarax ka dhacay maxkamadda ugu saraysa Kabul, kaasoo dilay 22 qof, waxaana bilihii dambe uu sare u qaaday weerarrada uu ka geysto labadaasi dal.