Shirka London Soomaaliya deymaha ma lagaga dhaafi doonaa?!
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka London Soomaaliya deymaha ma lagaga dhaafi doonaa?!

Arrimaha nabad gelyada ka sokow, shirka London waxaa diiradda lagu saari doonaa dhaqaalaha iyo deymaha tirada badan ee Soomaaliya lagu leeyahay.

Madaxda Soomaaliya waxay rajeynayaan in deymahaa laga cafin doono si loo dardar geliyo dhaqaalaha dalka oo hadda ka soo kabanaya colaaddii sokooye ee dalka la degtay.

Haddaba suurtagal ma tahay in Soomaaliya deymahaasi laga cafiyaa? Su'aashaas iyo kuwo kale ayuu weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele waydiiyey Dr Maxamuud Maxamed Culusow oo khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, marna ahaan jiray guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.