Suuriya: Isbahaysiga mucaaradka oo sheegay in ay magaalada Tabqa ka qabsadeen Daacish

Dagaalka Tabqa lagu qabsaday todobaado ayuu socday Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka Tabqa lagu qabsaday todobaado ayuu socday

Isbahaysiga dagaalyahannada Kurdiyiinta iyo Carabta Suuriya ayaa sheegay in ay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ka qabsadeen magaalo istiraatijiyadeedu muhiim tahay.

Isbahaysigan oo la yidhaa xoogagga dimuqraadiga Suuriya ayaa sheegay in ay "gabi ahaan ba ka xoreeyeen" Daacish magaalada Tabqa iyo biyo xidheen 40 Km u jira magaalada ay kooxda Daacish ku xoogan tahay ee Raqqa.

Hadalkan ka soo baxay isbahaysigani wuxu ku soo beegmay maalin uun ka dib markii Maraykanku sheegay inu uu hubaynayo Kurdiyiinta Suuriya ee qaybta ka ah xulufadan mucaaradka ah.

Go'aankaa Maraykanku wuxuu ka cadhaysiiyey Turkiga oo Kuridiyiinta Suuriya u arka urur argagxiso ah oo xidhiidh la leh ururka PKK ee dagaalka hubaysan ee ay ku doonayaan is maamul hoosaadka kula jiray Turkiga soddonkii sanadood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxaha jihaad alooska ahi aanu haboonayn in uu noqdo mid ay ka qayb galayaan "kooxo kale oo argagixiso ahi".