DP World oo si rasmi ah maanta ula wareegaysa maamulka dekedda Berbera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

DP World oo si rasmi ah maanta ula wareegaysa maamulka dekedda Berbera

Magaalada Berbera, waxaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah maamulka dekedda Berbera loogu wareejinayaa sharikadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta oo hore heshiis 25 sano ah ula gashay xukuumada somaliland.

Xafladda waxaa ka qayb gelaya oo haatan Berbera jooga Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo masuuliyiin ka tirsan sharikadda DPWorld.

Haddaba wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda shaqaalihii dekedda Berbera, guddiga labada dhinac ee maamulka oo aan weli la magacaabin, iyo in Ethiopia saami laga siiyay maalgashiga dekedda iyo in kale?

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayuu wasiir Cumar Shucayb u waramay.