Shirka Soomaaliya ee London maxaa lagaga hadlayaa?!
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Soomaaliya ee London maxaa lagaga hadlayaa?!

Maanta waxa magaalada London ka furmaya shir ay dawladda Ingiriisku marti galinayso oo lagaga hadlayo arimaha Soomaaliya. Kaas oo ah fursad weyn oo ay beesha caalamku taageero ugu fidinayso Soomaaliya.

Hadaba muhiimadda shirkan iyo habka loo soo qaban qaabiyey shirkan iyo cidda shir gudoominaysa ayaa waxaa Axmed Maxamed Ibraahim (Nagaashe) uga waramay weriyaha BBC-da Mawliid Xaaji Cabdi oo London jooga oo inta shirku socdana si toosa wararka halkaa uga soo tabin doona.