Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshe lagu sugayo nabagelyada Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xukuumadda Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshe lagu sugayo nabagelyada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa shalay shir ku yeeshay golaha wasiirada Soomaaliya waxaanay kaga arinsanayeen sidii wax looga qaban lahaa nabad gelyada magaalada Muqdisho. Shirkaa waxa ka soo baxay dhawr qodob oo gun dhig u noqon doona qorshaha lagu sugayo nabad gelyada magaalada.

Haddaba qodobadaasi waxa ay yihiin iyo sida la doonayo in loo dhaqan geliyo ayaanu ka waraysannay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Xassan Yariisow, oo khadka teleefoonka ee Muqdisho ugu waramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato.