Chelsea oo hanatay horyaalka Ingiriiska

Ciyaartoyga kooxda Chelsea oo damaashaadaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciyaartoyga kooxda Chelsea oo damaashaadaya

Waxa xalay mar kale loo caleemo saaray horyaalka Ingiriiska kooxda Chelsea ka dib markii ay xalay hal iyo eber ka badiyeen kooxda West Brom.

Guushaa ay gaadheen iyo damaashaadkii u dhacayba waxay ahaayeen wax ay mutaystay kooxda Chelsea oo xili ciyaareedkan muujisay ciyaar wanaag marag u ah in ay u qalanto hogaanka horyaalka ingiriiska.

Kaalinta labaad waxa gashay kooxda Tottenham oo 77 dibcood heshay

Kaalinta saddexaad waxa ku jirta Liverpool oo 70 dhibcood leh

Manchester United na waxay heshay 69 dhibcood oo ay ku gashay kaalinta Afraad.