Wafdi Ruushka ka socday oo booqday Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wafdi Ruushka ka socday oo booqday Somaliland

Wafdi dibloomaasiyiin ka socday safaaradda dawladda Ruushka ee Jabuuti oo uu hogaaminaayo safiir xigeenka safaaradaasi Yuuri Koroshikov ayaa booqasho laba maalmood ah ku tegay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

War rasmi ah kama soo saarin Somaliland wafdigan Ruushka, laakiin Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Somaliland ayaa weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, u sheegtay in wafdiga Ruushku booqasho aan rasmi ahayn ku yimaadeen Somaliland.

Waxay la kulmeen wafdigu Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland, Dr Sacad Cali shire, iyagoo socdaal ku tegay goobihii uu dhisay Ruushku ee milateriga iyo rayidkaba ee magaalada Berbera.

Haddaba Mawliid Xaaji Cabdi ayaa Axmed Saciid Cige ka wareystay wafidigan Ruushka ee Somaliland booqday iyo ujeedadiisa.