Woqooyiga Kuuriya: "Wada hadal" waan la galaynaa maamulka Trump

Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warantay in Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay wada hadal la geli doonto Maraykanka "hadii duruufuhu saamaxaan."

Ka dib markii uu kula kulmay saraakiil hore oo ka tirsanaa dawladda Maraykan dalka Norway, ayaa dublamaasi sare oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi sheegay in wada hadal maamulka Trump lala galaa suurto gal yahay.

Bishan horaanteedii ayaa madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, wuxu sheegay in ay "sharaf u tahay" in uu la kulmo Kim Jong-un.

Hadaladani waxay soo baxeen dhawr bilood oo xiisadda ka taagan barnaamijka nukliyeerka iyo gantaalaha Woqooyiga Kuuriya cirka isku shareertay.

Choe Son-hui, oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Woqooyiga Kuuriya oo madax ka ah qaybta xidhiidhka Maraykanka ayaa warfidiyeenka ugu sheegay magaalada Beijing in wada hadallo dhex mara Pyongyan iyo Washington yihiin arin tixgalinteeda mudan.