Xaaladda dadka qaba xanuunka dhimirka ee Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda dadka qaba xanuunka dhimirka ee Hargeysa

Iyadoo toddobaadkan BBC-du ay sii dayneyso barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan dadka qaba xanuunada dhimarka, ayaa maanta waxaan ku billaabaynaa caqabadaha iyo dhibaatooyinka ay wajahaan dadka xanuunadaas qaba ee ku nool magaalada Hargeysa.

Sida la sheegay waxaa hoos u dhacday sil-siladda lagu xir jiray dadka qaba xanuunada dhimirka, iyadoo ay arrintan ku timid wacyigelin baahsan iyo tababaro dadka looga digayo in ay sil-silad ku xiraan dadka qaba xanuunada dhimirka.

Haddaba weriyaha BBC-da, Axmed Saciid Cige, ayaa wuxuu tegay cusbitalka dhimirka ee magaalada Hargeysa, waxa uuna la hadlay dhakhtarka daweeya bukaanka dhimirka iyo hooyo wiilkeedu xanuunsanayo, kaddibna warbixintan ayuu halkaasi inooga soo diray.