Maxkamadda Dastuuriga Koonfur Afrika oo go'aan ka gaareysa codsiga mucaaradka dalkaasi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamadda Dastuuriga Koonfur Afrika oo go'aan ka gaareysa codsiga mucaaradka dalkaasi

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa maanta lagu wadaa in ay xukun ka soo saarto codsi ay soo gudbiyeen xisbiyada mucaaradka oo dalbanayay in loo ogolaado in si qarsoodi ah uu baarlamaanka u dhiibto codka kalsoonida loogala laabanayo Madaxweynaha dalkaasi Jacob Zuma.

Isla maanta ayaa waxaa la sheegayaa in mucaaradku ay qorsheynayaan in ay dibadbax ka dhigaan afaafka hore ee Maxkamadda Dastuuriga.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in haddii codka loo dhiibto si qarsoodi ah ay taasi ka dhigi karto codbixinta mid isu miisaaman.

Haddaba arrimahan ayaa waxaanu wax ka waydiinnay Suldaan Maxamed Cali, oo ah aqoonyahan wax ku bartay dalkaasi Koonfur Afrika, deggana magaalada Port Elizabeth, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Faadumo Macalim Abuukar, oo marka hore waydiisay waxa uu yahay xukunka maanta ay maxkamaddu qaadayso?