26 sano kaddib maxaa hortaagan in caalamku aqoonsado Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

26 sano kaddib maxaa hortaagan in caalamku aqoonsado Somaliland

26 sano ayaa hadda laga joogaa markii jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda ee Somaliland ay sheegtay in ay ka go'aday Soomaaliya inteeda kale, haseyeeshee wali Somaliland wax aqoonsi ah kama aysan helin caalamka intiisa kale.

Somaliland ayaa madax-bannaanideeda ku dhawaaqday 18-kii May sanadkii 1991-kii oo hadda laga joogo muddo 26 sano ah, waxaana muddadaasi madaxda Somaliland ay ku dedaalayeen sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen qaramada Midoobewy iyo caalamka intiisa kale, waxaana xitaa jiray wadahadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Haddaba dedaallada aqoonsi raadiska iyo caqabadaha hortaagan ayaan wax ka weydiinay bare-sare Axmed Ismaaciil Samatar, waxa uuna u waramay weriyaha BBC-da Aadan Maxamed Cabdi saalamiin.