Gurmadkii abaaraha oo joogsaday kaddib roobabkii da'ay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gurmadkii abaaraha oo joogsaday kaddib roobabkii da'ay

Iyadoo roob uu ka da`ay qaybo ka tirsan gobolka Sool oo ka mid ahaa gobollada ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen, ayaa dadka abaaraha ku xoolo-beelay waxaa ay sheegayaan in haatan aysan helin gargaarkii bini`aadannimo ee ay heli jireen, iyagoo xusay in weli ay ku jiraan xaalad adag.

Balse guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka aya dhankooda sheegay in gargaarkii la gaarsiinayay dadkaasi uu gaabis yahay.

Sheekh Siciid Axmed Cadarre oo ka tirsan guddigaas ayaa u warramay weiriyaha BBC-da Raage Xasan.