Maxay ka dhigantahay baaritaanka lagu hayo madaxweyne Trump
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka dhigantahay baaritaanka lagu hayo madaxweyne Trump

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa kusoo warantay in madaxweyne Trump uu u sheegay sarkaal sare oo Ruush ah in agaasimihii FBI-da Mr James Comey uu ahaa qof waalan, isla markaana shaqo ka eryidiisa ay culeys badan ka qaaday isaga ka madaxweyne ahaan.

Nin horay madax ugu soo noqday hay'adda dambibaarista Maraykanka ee FBI ayaa loo magacaabay in uu noqdo dambi baare khaas ah oo dusha kala socon doona baaritaannada lagu hayo in Ruushku uu farogaliyay doorashada Maraykanka iyo xiriir la sheegay in uu dhexmaray Ruushka iyo kooxdii ol'olihii doorashada ee Trump.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud oo magacaabaya Robert Mueller ayaa sheegay in ay danta dadwaynahu tahay in la helo qof iyaga ka madax bannaan.

Haddabo muranka ka dhashay faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka maxay ka dhigantahay?

Su'aalahaasi iyo kuwa kale ayaa waxaanu weydiinay Faysal Mohamed Diiriye, oo ka faalooda arrimha wadanka Marykanka, wuxuuna u waramay weriyaha yaga dalka Mareykanka Maxamed Xaji Xussein Shiine oo marka hore weydiiyay bal sida loo arko ninka loo xilsaaray baadhitaanka xiriirka la sheegay in uu ka dhaxeeyay Ruushka iyo ololihii olihii Trump.