Shiinaha oo dilay basaasiin u shaqeynayay Mareykanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption CIA-da Mareykanka

Dowlada dalka shiinaha ayaa la sheegay inay dishay 18 jawaasiis oo u shaqeynaya hey'adda mukhaabaraadka dalka Mareykanka ee CIA-da, halka qaar kalena ay xabsiga dhigtay. Arintani ayaa lagu tilmaamay inay tahay xadgudubkii ugu xumaa ee soo mara sirdoonka dalka Mareykanka muddo sannado ah.

Wargeyska The New York Times waxaa uu kusoo warramay in mid kamid ah dadkii u basaasayay Mareykanka lagu hor dilay asxaabtiisa, taasi oo ka niyad jabisay kuwii kale inay u sii shaqeyaan CIA-da.

Dilalka loo gesyto basaasiinta Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2010 ila iyo 2012-kii ayaa lagu qiyaasay inay gaareyso ku dhawaad 20.

Khubaro haatan u shaqeeya hey'adda CIA-da iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay ayaa waxaa ay rumesanyihiin in dowlada Shiinaha ay u dhacday amaba ay jabsatay qaabkii ay ku wada xiriirayeen madaxda hey'adda CIA-da iyo basaasiinta, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in mid kamid ah ragaasi uu fashilay qorshaha basaasnimada.

Madaxda CIA-da waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrinkani.