Trump oo la kulmi doona madaxda dalalka Islaamka

Madaxweyne Trump iyo boqorka Sacuudiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Trump iyo boqorka Sacuudiga

Madaxweynaha Mareykanka oo booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka qabtay ku tegay dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo hogamiyeyaasha 40 dal oo Islaam ah, kuwaa oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya.

MadaxweyneTrump ayaa sheegay in booqashada uu ku tegay Sacuudiga ay tahay mid ahmiyad weyn u leh danaha labada dal, madaama ay dalka Sacuudiga wada saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo ku kacaya balaayiin doolar.

Waxaana sidookale lagu wadaa in uu khudbad uu u jeediyo madaxda dalalka Islaamka, taasi oo uu diirada ku saari doono sidii loogu midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Heshiiska ugu muhiimsan oo ay wada saxiixdeen Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaa uu ahaa heshiis dhanka difaaca, si sare loogu qaado awooda milateri ee Sacuudiga. Waxaana uu Mareykanku sheegay in heshiiska dhanka hubka uu wax ka tari doona khatarta Sacuudiga kaga imaneyso dalka Iran, sidookalena buu yiri sare u qaadi doonto ammaanka Mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga ayada oo ay labada dal doonayaan in ay dib boorka uga jafaan xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya .

Balse booqashada Trump ayaa waxaa hareeyay baaritaanka lagu hayo xiriirka la sheegay in kooxdiisii ololaha doorashada ay la samaysay Ruushka.

Safarkiisa oo 8 cisho qaadan doona ayaa sidoo kale waxa uu ku mari doonaa Israa'iil, dhulka Falastiiniyiinta, Brussels, Vaticanka iyo Sicily.