Galmudug: waxaan dib u bilaabeena wadahadaladii Ahlu-Sunnah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Galmudug: waxaan dib u bilaabeena wadahadaladii Ahlu-Sunnah

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in marka la caleema saaro madaxweynaha cusub ay dib u bilaabi doonaan wadahadaladii kala dhaxeeyay Ahlu-Sunnah.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey oo khadka teleefoonka ugu waramay weriyaha BBC-da Bashir Maxamed Caato ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Ahlu-Sunnah.