Barakacayaal dib ogu laabtay deegaanadoodi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaal dib ogu laabtay deegaanadoodi

Iyadoo roobabka gu'ga ay ka curteen qeyba badan oo Soomaaliya ah, ayaa tobonaan qoys oo ku noolaa xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Baydhabo waxaa ay dib ugu laabteen deegaannadoodii si ay beeraha u fashaan.

Qaar ka mid ah beeralaydaasi ayaa taakulo ka helay hay'ado gargaar, waxaana laga caawiyay abuurka beerahooda, Inkastoo aanu roobka si wanaagsan u di'in ayaa haddana beeraleydaasi waxaa ay ku rajo weyn yihiin in noolashooda ay dhaami doonto tii xeryaha.

Cabdullaahi Ibraahim Maxamed oo ku laabtay tuulada Salbuy oo ka tirsan gobolka Baay, ayaa khadka telefoonka ugu warramay Axmednagaashe.