Hey'adda Save the Children oo ka deyrinesa xaalada dalka Yemen
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hey'adda Save the Children oo ka deyrisay xaalada Yemen

Hay'adda Badbaadad caruurta ee Save the Children ayaa ka digtay in cudurka daacuunka ee ka dilaacay Yemen uu si weyn ugu faafi karo waddankaasi ay colaadda haraysay.

Hay'adda ayaa sheegtay in dhammaadka bisha June la saadaalinayo in tirada dadka uu cudurkaasi haleeyay ay ka badan doonto 65,000 oo qof, waa haddii uu xowliga hadda ku socdo.

Guud ahaan dalka Yemen, in ka badan kun kiis oo daacuun ah ayaa maalin kasta la diiwaangeliyaa, ayadoo dadka ugu badan ee uu soo rito ay yihiin carruurta da'doodu ka yartahay 15 jirka.

Dadka uu cudurkaasi saameeyay waxaa ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi.

Maxamed Koronto waa weriye ku nool magaalada Sanca, xaaladda cudurkaasi ayuu uga warramay Maxamed Cabdiraxmaan.