Trump: Iran waligeed hub nukliyeer ah gacanta kuma dhigi doonto

US President Donald J. Trump speaks on the podium after arriving at Ben Gurion Airport in Lod, outside Tel Aviv, Israel, 22 May 2017 Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxweyne Donald Trump ayaa u sheegay ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu in Iraan aysan waligeed gacanta ku dhigi doonin hub nukliyeer

Waxa uu sheegay in Iraan ay la noqotay inay sameyn karto waxay doonto marba hadii ay heshiis la saxiixatay quwadaha caalamka 2015kii.

Wuxuu ku baaqay heshiis nabadeed oo dhex mara Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

Wuxuu sheegay inuu u deyn doono labada dhinac inay la yimaadaan qaabkii ay nabadaasi ku imaan lahayd.

Afar arrimood oo ku saabsan socdaalkii Trump ee Sucuudiga

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqanaya dalka Israa'iil iyo Falastiin, kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu ku sugnaa Sacuudiga wuxuu madaxda dalalka Islaamka ku booriyay inay ka takhalusaan argagixisada oo ay ka saraan dalalkooda, isagoona arrintaasi ku tilmaamay inay tahay dagaal u dhaxeeya kuwa wanaaga jecel iyo sheydaanka, balse aysan aheyn dagaal u dhaxeeya diimaha kala duwan.

Mar uu ka hadlayay shirka Mareykanka iyo wadamada Islaamka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Sacuudiga ayaa Trump wuxuu dalka Iiraan ku edeeyay inay hurineyso colaadda ku saleysan diimaha, ayna gacan siiso argagixisada ka howlgasha gobolka, wuxuuna intaas ku daray in dalka Iiraan ay taageerto waxa uu ugu yeeray dambiyada aan marnaba la shaacin ee ay geysato dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.

Sabtidii Mareykanka ayaa waddanka Sucuudiga la saxiixday heshiis ganacsi oo gaaraya $350 bilyan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Trump iyo Netanyahu

Heshiiska waxaa ka mid ah midkii ugu ballaarnaa ee dhanka hubka ee uu abid galo Mareykanka, kaas oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ku sheegay in loogu talagalay in la isaga dhiciyo saameynta khatarta badan ee Iiraan oo ah dal ay gobolka isku hayaan Sucuudi Carabiya.

Lahaanshaha sawirka SAUDI PRESS AGENCY HANDOUT
Image caption Trump iyo xaaskiisa Melania oo uu soo dhaweeyay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis markii ay soo gaareen Sucuudi Carabiya

Balse heshiiska dhanka hubka ee ay wadaa saxiixdeen Mareykanka iyo Sacuudiga waxaa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif.

Trump ayaa dhaliiyay khilaaf intii uu ku jiray ololaha doorashada kaddib markii uu ku baaqay in si ku meelgaar ah Muslimiinta looga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka sababo dhanka ammaanka ah.

Shuruuc looga golleeyahay in lagu adkeeyo socdaalka dadka ka imanaya dalal Muslimiin ah ayaa weli horyaalla maxkamadaha Mareykanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Khudbadii madaxweyne Trump