Trump gacan ma ka geysan karaa wadahadalada bariga dhexe?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Trump gacan ma ka geysan karaa wadahadalada bariga dhexe?

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo booqasho ku joogo dalka Israa'iil ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii nabadda ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo Falastiin.

Trump ayaa Ra’iisal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ku bogaadiyay sida ay uga go'antahay in la helo nabad, waxaana uu sheegay in uu rumesanyahay in heshiis la gaari karo.

Maanta na waxaa lagu wadaa in madaxweyne Trump uu la kulmo madaweynaha Falastiniyiinta Mahmoud Cabbas.

Haddabo booqashada uu madaxweyne Trump baryahan ba ku marayay bariga dhexe iyo heshiisyadii dhanka hubka ee ay wada saxiixdeen Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa waxaanu ka wareystay Dr: Sacad Sheekh Cismaan oo ah khabiir ka faalooda arrimaha dunnida Islaamka. Bashiir Maxamed Caato ayuu u warramay.