Micahel Flynn oo diiday inuu macluumaad la wadaago guddi baaraya

Micahel Flynn Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Micahel Flynn

Qareennada u doodaya la taliyihii hore ee dhinaca ammaanka ee madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Michael Flynn aanu u hoggansami doonin amarka ah in u cadeymo u gudbiyo guddiga aqalka Senetka ee Mareykanka oo baaritaa ku haya. Guddiga ayaa waxa uu baarayaa xirriirka laga yaabo in ay yesheen kooxdii ololaha ee madaxweyne Trump iyo dowladda Ruushka.

Flynn wuxuu sheegay in uu kaashan doono xuquuqda dastuuriga ah ee uu u leeyahay in aanu hortagin guddigaasi, si aanu isaga wax dambi ah isugu soo jiidin.

Hasayeeshe guddiga ayaa sheegay in ay ka go'antahay in ay hubiyaaan in Flynn uu soo guddiga wixii maclumaad ah ee ku saabsan baaritaannada.

Micahel Flynn ayaa loo arkaa in uu yahay markhaati muhiim ah oo wax ku biirin kara baaritaannada lagu hayo in Ruushka uu faragelin ku sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacay bishii Nofembar ee sannadkii hore, doorashadaasi oo uu ku guuleystay Donald Trump.

Michael Flynn ayaa lagu qasbay in uu is casilo bishii Feebaraayo kaddib markii ay caddaatay in uu been u sheegay madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Flynn ayaanan ahmiyad wayn siinin madaxweyne kuxigeenka kaddib markii wax laga weydiiyey kullan uu la yeeshay safiirka Ruushka u fadhiya dalka Maraykanka.