Mayarka magaalada Minneapolis oo khudbadeedii  sanadlaha diirada ku saartay Muslimiinta ku nool Mareykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Mayarka magaalada Minneapolis oo jeedisay khudbadeedii sanadlaha

Duqa Magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka Betsy Hodges, ayaa markii ugu horaysay taariikhda, khudbadeedii sanadlaha ahayd uga jeedisay dadwaynaha magaaladaasi masaajid ku yaala magaaladaasi dhaxdiisa.

khudbadan oo ay kaga hadashay wax yaabo badan oo taabanayaa dadka magaaladaasi gaar ahaan dadka soomaalida ee ku nool halkaasi ayaa waxay ka hadashay dadka Muslimiisnta ah, waxaanay sheegtay in ajandayaasha madaxwaynaha Maraykanka ee ku wajahan muslimintu aanu ka soconayn halkaas ayna garab taagantahay dadka muslimiinta ah ee ku noo magaaladeeda.

Weriyhaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuuseen Shiine ayaa ka qeyb galay khudbadaasi, wuxuuna hadalka kaddib wareystay Cabdirahman Maxamuud Musse oo ah masuul sare oo ka tirsan xafiiska duqda, Siyaad Cali oo katirsan gudoonka waxbarashada magaalada iyo Cabdirahmaan Sharif oo ah imaamka masaajidka daarul hijra. Waxuuna ku hormaray Cabdirahmaan oo uu waydiiyay, sabata ay duqdu ku doratay in khudbadeeda sanadlaha ay ka jeediso Masjid.