Dagaal ba'an oo ka socda Kunduz

Kunduz Lahaanshaha sawirka Reuters

Saraakiil ku sugan woqooyiga dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in dagaal ba'ani uu ka socdo hareeraha magaalada Kunduz.

Saddexdii usbuuc ee la soo dhaafay ayaa mintidiinta Taaliban waxay doonayeen in ay magaalada go'doon galiyaan oo ka xiraan waddooyinka waaweyn ee soo gala.

Gantaalo ayaa lagu tuuray bartamaha magaalada, kuwaasi oo ku dhacay iskool halkaasi ku yiilay.

Gantaalladaasi ayaa waxaa ku dhintay arday ka mid ah ardayda iskuulka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 11 kale.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda gantaaladaasi soo tuurtay, waxaana magaaladaasi Kunduz durbaba ka qaxay kummanaan qoys.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa Taalibaanku waxay muddo labo jeer ah isku dayeen in ay qabsadaan xarunta gobolka ee magaaladaasi basle arrintaasi ayaa laga hortagay.