Xamaas oo dishay rag “la shaqeeyay Israa’iil”

Xamaas dil Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xamaas ayaa ragga ay dishay ku tilmaamtay kuwo u shaqeynayay Israa'iil

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa dilay saddex nin, oo uu ku eedeeyay in ayaga oo Isra'iil u shaqeynaya ay marinka Qaza ku khaarajiyeen mid ka mid ah taliyayaasha ururkaasi.

Laba ka mid ah raggaasi ayaa la daldalay, halka ninka saddexaadna la toogtay, waxaan dilalkaasi daawanayay boqolaal qof oo ay ku jiraan weriyayaal.

Nin ka mid ah raggaasi yaa lagu helay in uu dilay Mazen Fuqaha, halka labada kalana la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilka taliyahaasi milateri.

Ragga la dilay ayaa dhammaantood lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen Israa'iil.

Xamaas ayaa la fajacday dilka taliyahaasi oo bishii Maarso ka dhacay meel u dhaw gurigiisa, waxaana tan iyo markaasi ay xannibtay dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta doonaya in ay ka baxaan Qaza.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Xamaas in aanay dilin raggaasi, laba todobaad ka dib markii uu ururkaasi shaaciyay qabashadooda iyo muuqaal muujiyana ayagoo sida la sheegay qiranaya dembigaasi.