Maxay tahay sababta ay xilligan u kordheen weerarrada waqooyi bari Kenya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta ay xilligan u kordheen weerarrada waqooyi bari Kenya?

Iyadoo todobaadkan ay ugu yaraan 11 qof oo u badan askar ka tirsan booliska Kenya ay qaraxyo ugu dhinteen deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ayaa isuduwaha ammaanka gobolkaasi waxa uu sheegay in ay wadaan tallaabooyin lagu sugayo ammaanka waddooyinka.

Weerraradan ugu dambeeyay ayuu Maxamuud Saalax oo ah isuduwaha ammaanka Waqooyi Bari Kenya waxa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab, oo uu sheegay in howlgallada ka dhanka ah ururkaasi ee ka socda gudaha Soomaaliya ay sababeen inay Kenya ku soo dhuumaalaystaan.

Haddaba Maxamuud Saalax ayaa arrimahan uga warramay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsodhacay.