Tababare Marco Silva oo ka tegay kooxda Hull City

Marco Silva Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Marco Silva ayaa badbaadin waayay Hull City

Marco Silva ayaa iska casilay tababarenimada kooxda Hull City, ka dib markii ay ka hartay horyaalka England ee Premier League.

39 jirkan u dhashay Burtaqiiska ayaa bishii Janaayo bedelay Mike Phelan, balse kuma aanu guulaysan in uu kooxdaasi ka badbaadiyo haritaanka.

18 kulan oo uu layliyay Hull, ayaa waxa uu badiyay 6 ka mid ah, balse waxa ay kooxdaasi hartay 14-kii May markii ay 4-0 uga adkaatay Crystal Palace.

Tababarahan soo layliyay kooxaha Sporting Lisbon iyo Olympiakos, ayaa la sheegay in ay danayneyso kooxda Watford oo iska dirtay tababaraheeda Walter Mazzarri, balse Silva ayaa dhawaan sheegay in aanay wax xiriir ah la samayn kooxdaasi ku dheesha garoonka Vicarage Road amaba koox kale.

Kooxda Hull City ayaa waxaa sidoo kale ka tegay tababare ku xigeenka, Joao Pedro Sousa, tababaraha xulka koobaad Goncalo Pedro iyo weliba tababaraha goolhayayaasha, Hugo Oliveira.