Dumarkii ugu badnaa oo gudoomiyayaal degmo ka noqday Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dumarkii ugu badnaa oo gudoomiyayaal degmo ka noqday Muqdisho

Taariikhda markii ugu horeysay ayay magaalada Muqdisho yeelatay shan gudoomiye degmo oo haween ah kadib markii todobaadkan la magacaabay afar iyo toban gudoomiye degmo.

Gudoomiyayaasha degmooyinka Boondheere, Wardhiigley, Waaberi, Shibis, iyo Shangaani ayaa dhamaantood laga dhigay gabdho.

Ururrada haweenka iyo dhalinyarada ayaa aad u soo dhaweeyay magacaabistan, walow ay jiraan dad su'aalo ka keenay in xiligan ay gabdho maamuli karaan degmooyinka caasimadda, weerarrada Al-Shabaab awgood.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa la kulmay Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey) oo loo magacaabay gudoomiyaha degmada Wardhiigley, wuxuuna marka hore weydiiyay sida dareenkeedu noqday markii loo magacaabay xilka.